Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna ee ka socda Magaaladaas.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda-qorow oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa u sheegay in dagaalka xoogiisa haatan uu ka socdo dhanka waqooyi ee Dhuusamareeb, isla markaana uu sheegay inay weerar kusoo qaadeen Ciidanka hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca.
Wuxuu xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askarta labada dhinac ee dagaalamaya, wuxuuna intaas kusii daray in uusan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka socda ka dhashay.
Guddoomiye Geeda-qorow ayaa tilmaamay in Ciidanka Ahlusunna ay yihiin maleeshiyaad hubeysan oo saldhigyo ku leh deegaanka Bohol, isla markaana ay doonayaan in mar kasta ay dhibaato u geystaan shacabka Caasimadda Galmudug.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cali Geeda-qorow ayaa sheegay in mas’uuliyada khasaaraha dagaalka ay qaadayaan Ahlusunna oo uu xusay inay weerar kusoo qaadeen Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku eedeeyay in maalmihii dambe ay dadka barakaciyeen.
Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Galmudug, kuwa dowladda Federaalka iyo Ciidanka Ahlusunna ayaa waxaa uu weli ka socdaa Dhuusamareeb, waxaana ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dadka badi ay Magaalada ka barakaceen, ayna aadeen deegaano hoostega Caasimadda Galmudug.