Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu eed u jeediyo Dad Soomaaliyeed oo la-dagaalamaya Al-shabaab.
Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqay in si hoose loo eego hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Xusul, kuna eedeeyay dad shacab ah oo dagaal ku jira, isagoo intaas kusii daray in baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildhibaanka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul eedeynta uu u jeedinayo kooxda Macwiisleyda ah ee la magac baxday Ciidamada dib u xorenynta deeganada Gobalka Hiiraan ee la dagaalamayo Al-shabaab ay yihiin dadka uu matalo Xildhibaanka.
Wuxuu hadalkiisa intaas uu kusii daray Guddoomiye Cali Jeyte in nasiib daro weyn tahay in Xildhibaanka uu sidaas ula hadlo Dad Soomaaliyeed ee dagaalka ku jira, si u xoreeyaan deegaanada Gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Carabka ku adkeeyey in Cid walbo oo ka hortimaado wax uu ugu yeeray kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab ay hiil u tahay, taas oo aheed dareen ay dhibsanayeen Abaabulka shacabka.