Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir dowlaha Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka ayaa kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.
Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida xaalada amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha Amniga, maamulada degmooyinka iyo bulshada.
Goobaha ay kormeerka ku tageen masΓ’β¬β’uuliyiinta ayaa waxaa kamid ahaa degmooyinka xiga galbeedka ee Muqdisho gaar ahaan Saldhiga cusub ee degmada Kaxda iyo Saldhig Galbeed ee Degmada dharkeenley halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in laamaha amniga ay Muqdisho ka wadaan howlgalo joogta ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Ciidanka lagu wareejiyay amniga Muqdisho ayuu sheegay Guddoomiye Yabooh inay la shaqeynayeen Ciidanka Booliska, isla markaana waxa uu tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay ay ciidankaas sugeen amniga caasimadda, ayna bulshada ku garab siiyeen.
Gaba-gabadii Guddoomiye Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa carabka ku dhuftay in howlgalada ka socda magaalada Muqdisho ay noqon doonaan kuwo sii socda, si looga hortego falalka amni darro ee xiliiyada qaarkood ka dhaca Muqdisho.