Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali) ayaa dhaliilo badan u jeediyey Shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo Maanta u dabaaldageysa sannadguuradii 20-aad ee dib udhalashadeeda.
Guddoomiye Cali Yare oo Qoraal kusoo qoray boggiisa Facecbook ayaa waxaa uu marka hore qoraalkiisa ku qiray in Shirkadda Horumuud tahay Shirkad lagu dhisay maskax, muruq iyo maal Soomaaliyeed, ayna tahay shirkadda ugu weyn ee dalka ka dhisan.
Guddoomiye Cali Yare ayaa ku dhaliilay Shirkadda inay aad uga cawdaan Ganacsatada danta yar, isla markaana sheegay inay kala wareegaan ganacsi kasta oo ay wax uun ka macaashi kareen, sida dhulalka, Qutuldaruuriga, malabka, Beeeraha, tagaasida, qalabka dhismaha, gaadiidka, Elektarooniga, Korontada, xataa caanaha iyo cadayga.
Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye ku-xigeenka amniga Maamulka Gobolka Banaadir in Shirkadda Hormuud aysan diyaar u aheyn kaalinta ay Shirkadaha caalamiga ah sida SAMSUNG & IPHONE ka qaataan amniga dalalkooda ka qaataan, waa sida uu yiri.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cali Yare.
HAMBALYO Shirkadda Horumuud oo maanta udabbaaldageysa sannadguuradii 20-aad ee dib udhalashadeeda kuna beegan markii duruufo yimid darteed ay uga guurtay magacii hore ee Barakaat lana baxday magaca Horumuud.
Horumuud waa Shirkad lagu dhisay maskax, muruq iyo maal Soomaaliyeed, waana shirkadda ugu weyn ee dalka ka dhisan maanta oo shaqaaleeysiisay kumanaan kun oo Soomaaliyeed iyada oo bulshada ka dabooshay baahiyo badan kana soo gudbisay xaalad qalafsan.
Ma qarsoona in dhaliilo badan loo jeediyo sida Horumuud sida;
1- Ganacsatada Jeebka yar oo aad uga cabta awood sheegasho gabansi, iyaga oo kala wareegaya ganacsi kasta oo ay wax uun ka macaashi kareen, sida dhulalka, Qutuldaruuriga, malabka, Beeeraha, tagaasida, qalabka dhismaha, gaadiidka, Elektarooniga, Korontada, xataa caanaha iyo cadayga IWM taas oo loo arko in Shirkaddu nimcada rabbi siiyay ugu itaal sheegatay bulsho danyar ah.
2- Amniga oo aan dacwo ka aheyn, laakiin aanay gaarsiisneyn diyaarna u aheyn kaalinta ay Shirkadaha caalamiga ah sida SAMSUNG & IPHONE ka qaataan amniga dalalkooda ka qaataan, iyaga oo isku difaaca duruufo qaarkood looga garaabi karo sida xaaladaha dalka ku xeeran.
3- Kaalinta Haweenka oo aad ugu hooseeysa
4- In aanay dhexdhexaad ka aheyn kana madaxbanaaneeyn xarakaatka islaamiga ah ee fikradaha isku diidan sida (Wahhabism-ka iyo Suf.ism-ka) oo aan farriimahooda si siman loogu gudbin bulshada labadaas kooxood ka wada kooban ee macaamiisha Shirkadda ah.
Runtuse waxay tahay in Horumuud ay tahay Shirkad aynaan maanta heysan cid la barbardhigi karo maadaama ay yihiin dadka dadka ugu horreeya ee markii ay musiibooyin dalka ka dhacaan yabooha gurmadka ugu horreeya, sameeyay gaadiidka gurmadka degdegga ah, Jaamacad bilaash ah iyo in ay tahay Shirkadda kali ah dalkeenna ee sameysay Foundation saameyn weyn dalka ku leh oo fuliya waxyaabaha horumarka iyo Kheyriga ah.
Markale Hambalyo Horumuud, sannado badan oo guul iyo Horumar ah ayaan Alle idiin waydiineynaa innaguna abaal baan idiin heynaa waan idin garabjoognaa.