Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo ay ka sameeyn deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay kula wareegeen Tuulooyin ay horay ugu sugnaayeen  dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Muuse Nuur Shuceyb oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga degmada Balcad ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in Ciidamada Danab ay la wareegeen Tuulooyinka kala ah Daniga, Barwaaqo, Garasweyn iyo Walamooy, iyadoo dagaal uusan ka dhicin ka dib markii ay isaga abxeen Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka in Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ay ku burburiyeen Saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen Al shabaab oo halkaasi ka soo abaabuli jiray weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaano hoostaga Degmada Balcad waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Gobalada dalka ka wada Howlgalo dhulka iyo cirka ah oo mararka qaar howlgallo ka fuliyaha deegaano ay gacanta ku hayaan ee Al-Shabaab.