Saakay waaberigii ayaa waxaa shilka uu ku geeriyooday Maamulaha oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cabdulle Liibaan(Sisin) uu ka dhacay deegaanka Siinka-Dheer  ee duleedka Magalada Muqdisho.
Allaha u Naxariistee Maamulaha ayaa sida la sheegay ka yimid Hoygiisa,isla markaana uu ku wajahnaa Iskuulka uu Maamulaha ka ahaa oo ah Iskuulka ablaal Xarunta uu ku leeyahay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.
Gobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Maamulaha oo watay mootada Laba lugaaleyda ah uu ku dhacay Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOH,isla markaana uu goobta ku geeriyooday.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gaarigii shilka galay uu goobta ka baxsaday,waxana meydka halkaasi ka qaaday oo gaaray qaar ka mid ahaa Ardayda Iskuulka Ablaal Xarunta Ceelasha Biyaha oo uu Macalin u ahaa.