Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Maamulka Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug.
Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo siwanaagsan looga shaqeeyay.
Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Xasan Shire Cabdi.