Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Guddiga fulinta ee Golaha Shacabka Dimuqraatiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay doorteen Madaxweyne Cusub,kaas oo lagu Magacaabo Mustaf Maxamed Cumar.
Maamul Goboleedkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashadaas.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa  u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar.
Axmed Madoobe oo ah  Madaxweynaha Jubbaland ayaa  khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Cusub ee DDSI Mudane Mustafe Muxumed Cumar,isaga oo ugu hambalyeeyay Magacaabista Xisbiga deegaanka ka arimiya ay u magacaabeen Madaxweynaha deegaanka isagoo u rajeeyay in uu ilahay xilka iyo Masuuliyada Cusub ee miisaanka leh uu la garab galo.
Mustaf Maxamed Cumar Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka soo jeeda Magalada Dhagax-Buur,waxa uuna bedelay Axmed Maxamed Xasan oo si KMG ah xilkaasi u hayey.