Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, ayaa beenisay wararka sheegaya inay xanuunka Covid ku daaratay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris.
Mar ay ka hadleysay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda oo lagu qabtay magaalada Caruusha, ayaa Madaxweyne Samia ay beenisay arrintan, iyadoo tusaale ugu soo qaadatay in weriyeyaashu ay muhiimadda siiyaan wararka aan micnaha lahayn.
“Markii aan Mareykanka joogay waxay qoreen,”Hooyadaa waxaa qaabishay madaxweyne ku xigeenka, haddana waxay tebiyeen inuu Covid igu dhacay.” Ayay tiri. Bishii la soo dhaafay.
Madaxweyne Samia ayaa booqasho shaqo ku tagtay Mareykanka, waxayna la kulantay saraakiil kala duwan oo ay ka mid tahay madaxweyne ku xigeenka mareykanka Kamala Haris.
Wax yar kaddib markii ay la kulantay Kamala, warbaahinta Mareykanka ayaa shaacisay in Kamala Harris laga helay Corona lana tallaalay.