Xarunta Shirarka ee Caasimadda KMG ee Maamul-gobaleedka Galmudug waxaa ka bilaabantay Doorashada Xubnaha Galmudug uga mid noqon doona Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Tartankaasi ayaa lagu tilmamaay midka ugu culus, uguna xamaasadda badan Tartamadda kale ee ka socda Maamul-gobaleedyadda Puntland, K/galbeed iyo Jubbaland.
Siyaasiyiin Rug-caddaa ah ayaana ku tartamaya 8-da Kursi ee Beelaha ku abtirsada Maamulka Galmudug ka heleen Aqalka Sare (Senedka) ee Barlamaanka Federalka.
Musharixiinta ugu cadcad Tartankaasi ayaa waxaa ka mid ah:  Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan C/samad Macallim Maxamed, Jeneral Cabdi Qeyb-diid, Kamaal Daahir Xasan “Kamaal Guutaaleâ€,  Abshir Maxamed Axmed “Bukhaariâ€, C/waaxid Cilmi Goon-jeex iyo Enjineer Xasan Maxamuud Maxamed “Eng. Xasanowâ€.
Doorashadda waxay weli ka socotaa Hoolka Shirarka ee Cadaado, waxaana ilaa iyo haatan la shaaciyey inay ku soo baxeen Abshir Bukahaari iyo Jeneral Cabdi Qeybdiid
©Radio Dalsan
Â