Ciyaaryahanka Reer Argentina, Lionel Messi waxa uu isbuucan haddiyad Maaliyo uu ku saxiixan yahay u diray Wiil 5-jir oo u dhashay dalka Afganistan, kaasi oo taageeradda uu u hayo Ciyaaryahankaasi u xirtay Maaliyadda Lionel Messi oo laga sameeyey Bacaha lagu adeegto.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa waxay maanta (Khamiis) xaqiijiyey in Wiilka yar ee Reer Afganistan, Murtaza Arif Ahmedi loo diray Maaliyadda uu ku saxiixan yahay Lionel Messi oo ah Laacibka Caalamka ee Sannadkan “Waan jeclahay Messi iyo shaatigayga oo yiraahda Messi aniga ayuu i jecel yahay†sidaas waxaa yiri Murtaza Ahmedi, markii la guddoonsiinayey Haddiyadda Khaaska ee uu u soo diray Ciyaaryahanka 28-jirka ee Messi.
Sawirka Murtaza Arif Ahmedi oo xiran Fannaanadda cad iyo bulugga ee Balaastikada, laguna qoray magaca Messi iyo Nambarkiisa ayaa waxa laga daawaday Internetka, iyadoo uu Wiilkaasi muujinayo sida uu u jecel yahay Ciyaaryahanka Messi ee u ciyaara Barcelona FC ee dalka Spain.
Aabaha Wiilka yar oo lagu magacaabo Arif Ahmadi ayaa waxa uu bilowgii bishan yiri:- “Murtaza waxa uu noqday Taageeraha Messi sida uu u daawanayey Telefishinka. “Waxa uu iga codsaday inaan u helo Funaanada magaca Messi ku qoran tahay, balse ma awoodi karin, waayo waxaan degganahay Tuulo ka fog Suuqayadda Bacadlayaasha†ayuu yiri Aabahaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Murtaza waxaa la guddoonsiiyey Funnaanadda uu u soo diray Ciyaaryahanka Messi, taasi oo ah Haddiyad Khaas loogu soo diray Taageeraha ugu yar Taageerayaasha u daacadda ah Ciyaaryahan Messi.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan     Â