Murtaza Axmadi oo ah 5 jir u dhashay dalka Afganistan ayaa la rajeynayaa inuu la kulmo Ciyaaryahanka Reer Argentina ee Lionel Andres Messi.
Arrintan ayaa soo shaac baxday, kadib, markii Wiilkaasi yar oo ku nool Degmadda Jaghori ee Gobalka Qasni ee dalka Afganistan sheegay inuu u jecel yahay inuu noqdo sidii Ciyaaryahanka Messi.
Wiilkaasi yar oo ka soo jeeda Qoys Sabool ah ayaa waxa uu Bac duug ah ka dhigtay sidii Funnaanadda Cadka iyo Bulugga uu Lionel Andres Messi qaato.
Wiilka yar ayaa waxa uu Kubbad ka dhigtay baco uu isku duuduubay sidii Buglaha oo kale, isagoo ku ciyaara.
Wiilkaasi waxa uu Funnaanadda (Maaliyada) ee uu Bacda ka samaysatay ku qoray Magaca Messi iyo Lambarka 10 ee uu Messi xirto.
Dad badan ayuu soo jiitay Sawirradda Wiilkaasi oo lagu baahiyey Warbaahinta Baraha Bulshadda ee Social Media.
Weriye ka tirsan Telefishinka Aljazeera oo Wiilkaasi kula kulantay Degmadda Jaghor ee dalka Afganistan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mar la kulmo Lionel Andres Messi.
Wiilkaasi oo lagu naanayso “Wiilkii Bacaha Balaastikada”  ama “Plastic bag boy†ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay Messi iyo Kubbadda Cagta, isla markaana uu maalin la kulmi doono Ciyaaryahankaasi u ciyaara FC Barcelona.
Dhinaca kale, Xiriirka K/Cagta ee dalka Afganistan “The Afghan Football Federation (AFF) ayaa xaqiijiyey inuu Wiilkaas yar heli doono Fursad uu kula kulmo Ciyaaryahanka Messi.
Afhayeenka Xiriirkaasi, Xayid Cali Mariimi oo la hadlay Telefishinka Aljazera TV waxa uu sheegay inay la xiriireen Maamulka Kooxda Messi, isla markaana ay sheegeen inay danaynayaan inay la kulmaan Wiilkaasi.
“Waxaan samaynaynaa sida ugu wanaagsan ee aan u xiriirin lahayn Kulankooda. Taariikhda iyo Madasha Ballanka weli lama xaqiijin karo, laakiin waxaa jira Fursado Wiilka yar ee Murtaza Axmadi inuu u duulo si uu ula kulmo Messi†ayuu yiri Afhayeenka Xiriirka K/Cagta ee dalka Afganistan.
Aabaha dhalay Wiilkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cariif Ahmadi ayaa la hadlay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay isaga soo wacaan dadka ku nool Caalamka si ay Wiilkiisa uga caaawiyaan inuu helo Kubbad iyo Funnaandda Ciyaartouyda.
Mar wax laga weydiiyey Kulanka uu Wiilkiisa la yeelan doono Ciyaaryahanka Messi waxa uu sheegay inuu Wiilkiisa ku faraxsan yahay inuu la kulmo Messi.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan ogeyn xilliga uu Kulankooda dhici doono, balse ay sugayaan Jawaabta xilliga uu Kulanka dhici doono.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan     Â