Waxaa oo Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta doorashada Puntland ay ku dhawaaqaan Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, xilli uu maanta ku egyahay waajibaadka Guddiga.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Puntland ka socday soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, isla markaana Guddiga xallinta khilaafaadka ay Liiska Xildhibaanada soo saaraan saacadaha soo socda ee Maanta.
Liiska ayaa wararka intaas kusii darayaan inay ka dhex muuqan doonaan 17-ka xildhibaan ee kasoo jeeda deegaanada Maamulka SSC- Khaatumo, waxaana la sheegay in xubnahaasi uu soo xushay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni
Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa shalay isku khilaafay in liiska xubnaha SSC lagusoo daro shaacinta. Qaar kamid ah xubnaha guddigan ayaa ku taliyay in laga reebo liiska, tan iyo inta heshiis laga gaarayo.
Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay adkeeyay go’aankoodii ahaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada Puntland, waxayna sheegeen in aysan matalin cid kaste oo ka qeyb qaadata doorashada Puntland.
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta doorashada Puntland ayaa markii ay shaaciyaan Liiska Xildhibaanada waxa ay soo dooran doonaan Guddoomiyaha cusub ee uu yeelan doono  Baarlamaanka maamulka Puntland.
Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin badan, waxaana lagu wadaa inay dhacdo Doorashada 8 bisha 1aad ee Sanad cusub ee 2024.