Munaasabad dib loogu furayey Baarka Liido Sea Food Restarurant ayaa galabta lagu qabtay Dhismaha Baarka oo  kaabiga ku haya Xeebta Liido ee Degmadda C/casiis ee magaalladdan Muqdisho.
Boqolaal qof ayaa ka soo qeyb galay Xafladda dib loogu furayey Baarkaasi oo la xiray bishii Janaayo 22-dii, kadib, markii ay Alshabaab ka geysteen weerar lagu dilay in ka badan 20 qof oo rayid ah oo u soo nasasho u tegay Barxadda Baarka Liido Sea Food Restarurant.
Maamulka Baarkaasi waxay maanta dadka ku qaabileen cunto iyo cabitaan lacag la’aan ah, iyagoo shegay inay dib u bilaabeen Adeegyaddii ay u hayeen Macaamiisha.
Dadka ka soo qeyb galay Munaasabadda dib loogu furayey Baarka Liido Sea Food Restaurant ee Xeebta Liido oo la hadlay Radio Dalsan waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in dib loogu furo Baarka Liido Sea Food Restaurant ee Xeebta Liido oo ay sheegeen inuu ka mid yahay Baararka ugu qiimaha badan guud ahaan dalka Somalia.
Bishii July 21-dii ee sannadkan, Alshabaab ayaa weerar iyo isqarxin la soo beegsatay Baarkaasi, iyadoo ay Ciiddanka NISA ku guuleysteen inay dilaan Alshabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana la soo badbaadiyo dad badan oo ku xanibnaa gudaha Baarka Liido Sea Food Restaurant ee Xeebta Liido.
Dadka rayidka ee lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarkaasi ayaa waxay yihiin qoysas si deggan ugu cuntaynayey ama ugu nasanayey gudaha Baarkaasi oo kaabiga ku haya Xeebta Liido.
©Radio Dalsan