Muuqaal Video oo uu ka muuqdo Fal Arxan-darro ah ayey Lammaanayaal u dhashay dalka  Britain Oneline u soo dhigeen Youtube-ka.
Muuqaalkan yar (Clip)Â ayaan la rumeysan karin, maadaama ay bisadda si xun loo ciqaabay.
Catowga bisadda iyo isku-daygeeda ay ku doonayso inay kaga soo baxdo Makiinadda ayaana laga dheehan karaa Muuqaalkaasi.
Lammaanaha oo codkooda laga maqlayey Video-ga ayaa ku qoslayey falka ay bisadda ku sameeynayeen.
Waxay sheegeen inay bisadda diiday inay isticmaalaan saxankeeda iyo sanduuqa.
Ugu dambeyntii ay bisaddii ka fureen albaabka, kana badbaaday falkaasi arxan-darradda.
Wakaalladda Wararka Raashiya ee INTERFAX ayaa sheegtay inay Boliska magaalladda Magitogorsk baarayaan meesha dhab ahaan lagu soo duubay Muquaalkaasi.
© Warqabadka Dalsan