Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis Madaxweyne ufidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku xirnaa Xabsiyada Koofur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa cafis u fifiyay dhalinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo isagoona ka bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista.
Cafiska Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed eek u aaddan cafis u fidinta Maxaabiista ayaa kusoo aaday Munaasabada Sanad guurada 4-aad.
Xabsiyada Koofur Galbeed ayaa waxaa ku xiran maxaabiis loo haysto dambiyo kala duwan, waxaana cafis loo fidiyay kuwa dambiyada yar yar loo haystay.