Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Safarka oo ah mid shaqo ayaa waxaa  Madaxweynaha iyo wafdigiisa soodhaweyay qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi.
Socdaalka uu Madaxweyne Laftagareen ku tagay Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay ayaa wxaaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi, waxaana qayb ka ahaa saraakiil Ciidan.
Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga ayaa si gaar ah u soodhaweeyay Madaxeynaha, waxaana inta uu halkaasi ku sugan yahay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmadaasi.