Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda la isaga Xog-waraystay Amniga guud deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee ATMIS.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.