Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kacdoon Shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dhammaan gobolada dalka looga wada istaagay dagaalka Al-Shabaab, iyagana dhankooda ay bilaabayaan kacdoonkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka ku nool degaannada Koonfur Galbeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka Al-Shabaab
Madaxweyne laftagareen ayaa ugu dambeyn sheegay in gobolada Baay & Bakool ay ka socdaan kacdoonka Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga suganyihiin hadana ay ka bilaabanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxa uu ku soo aadaya xilli kacdoonka ka ah AL-Shabaab ay ka soconayaan degaanno katirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay AL-Shabaab.