Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa ka waraystay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Loogu adeegayo Bulshada.
Safiirka Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in Socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd Ugur Mashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha iyo sidii ay utaageeri lahayeen Dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ee Daadejinta Adeegyada Dowladda.