Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Dibaddiisa iyo Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, รย Hay,addaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bushada ayaa Garoonka diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud kuso dhoweyey wafdiga Madaxweyne Lafta-gareen.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada caasimadda ee Muqdisho oo uu u yimid ka qeyb galka shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxda maamulada ugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaas oo la filayay inuu qabsoomo 20-kii bishaan April ee 2024 ayaa sida uu shaaciyay xafiiska Raรขโฌโขiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u baaqday arrimo farsamo awgood, taasina ayaa keentay in Madaxweyne Lafta-gareen dib ugu laabto Baydhabo.
Sidoo kale waxaa weli magaalada Muqdisho ku sugna Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka uusan isna horey u imaan Madaxweyne Axmed Madoobe, lamana oga waqtiga rasmiga ee uu qabsoomayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee baaqday.