20 Askari ayaa ku geeriyootay, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii ay silsilado Qaraxyo waa weyn ay gilgileen Bakhaar Hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla Galbeedka dalka Cambodia.
Qoraal uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Hun Manet soo dhigay Barta Telegram ayuu ku xusay inay Qaraxyadaasi ka dhaceen Bakhaarka Hubka ee Xarunta Taliska 3aad ee Milliteriga ku leeyihiin Tuullada Chamkar Doung ee Degmadda Chbar mon ee Gobalka Kampong Speu ee Galbeedka Cambodia.
Waxa uu u Tacsideeyey Qoysaska Askartii ku geeriyootay Qaraxyadaasi, isagoo kuwa dhaawacmay u rajeeyey Caafimaad.
RW Hun Manet ayaa waxa uu min 20,000 oo Dollarka Maraykanka ugu deeqay Qoysaska Askarta geeriyootay, halka Askarta dhaawacmay la guddoonsiiyey min 5,000 oo Dollar.
Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa ka muuqday burburka soo gaaray Dhismaha Bakhaar hal dabaq ah, dad dhaawacmay oo lagu daaweynayo Isbitaalada iyo dadka Deegaanka oo si Online u soo dhigayey Sawirada Daaqadaha ku burburay.