Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in markale deegaano hoostaga degmadaas uu ka bilaawday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.
Dagaalkaas oo ah mid soo laab laabtay ayaa saakay waxa uu ka dhacay Tuulada Bacaha oo hoostagta degmada Matabaan,waxana lagu soo waramyaa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.
Dagaalkaas ayaa daba jooga fal isugu jira  boob iyo dil shalay iyo saakay ka dhacey tuulooyin u dhow dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhimatey 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen dadka deegaanka,waxaana weli halkaasi laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.
Ciidamada Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku baxay Maleeshiyaadka daagalamaya,kuwaas oo doonaya in ay kala qaboojiyaan maleeshiyaadka dagaalamaya.