Ra’iisul Wasaaraha dalka Masar Mustafa Madbouly oo ka mid ahaa wafuudii Caalamiga ee ka qeyb galay Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbaahinta Masar ayaa sheegtay inuu Ra’iisul Wasaare Madbouly u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay dhambaal Tahniyad oo uu u soo dhiibay Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax El-sisi.
Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa looga arrinsaday xiriirka labada dowladood iyo xoojinta danaha Guud ee labada dal iyo shacab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyey casuumaad ku aadan Booqasho rasmi ah ku tago Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, si uu halkaas kulamo ugula yeesho Madaxda Masar.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha dowladda Turkiga oo kamid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna sheegay in dalka Turkiga ay ku casuumayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka, una gudbiyay casuumada Madaxweyne Xasan Sheekh.