Ugu yaraan Laba Canug ayaa ku geeriyootay Laba kalena waa ay ku dhaawacmeen Biriq xoogan oo Maanta ku dhufatay Guri ay ku noolayeen Carruurta oo ku yaalla Deegaanka Caliyaale Ee Gobolka Shabeeladda Dhexe.
Biriqda ayaa ku dhacday Guriga Qoyska ay carruurta ka dhinteen oo ah mid ka sameysay Cowshado iyo baco waxana loo sameeyay nooca aqal soomaaliga loo yaqaano.
Qof goob jooge ah oo la soo xiriiray Radio Dalsan ayaa xaqiijiyay Dhimashadda Carruurta iyo Dhaawaca Laba kale.