Waxaa maanta si rasmi ah u furmey imtaxaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya,waxaana doorkan ku cusbaa degmooyin dhawra sida,Ceeldheer iyo Laascaanood.
Degmadda Ceeldheer ayaa dagaalamayaasha Al Shabaab,laga xoreeyey sanad ka hor,waxaana maanta looga fariistey imtaxaanaadka dugsiga saree ee dawladda federaalka Soomaaliya.
Laascaanood ayaaa iyad sanad ka hor waxa  ay iska xoreeyeen ciidamadii Soomaaliland ee dul daganaa muddo gaadheysa 20 sano,maanta ayaa iyadna looga fadhiistey imtaxaanka dawlada Soomaaliya qaado.
Xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee SSC Khaatumo ayaa muddo kadib ay ka hirgalayaan adeegyadda dawladda,34 sano ka hor ayaa ugu danbeysey magaaladaas in ay ardeydoodu arkaan imtaxaanka dugsiyadda saree ee Soomaaliya..
33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaalamayasha ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.