Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay Nin ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, laba sanno hahor
Qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in baadi goob dheer, kadib ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha, oo baxsaday markii dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed
HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA
27/01/2024 abaaro 11:30 am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/07/2022.
Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo.