Iyadoo Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ay shalay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qarxa oo la doonaysay in ay degmadaasi weeraro looga gaysto, ayaaa waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aadan gaarigaasi shalay la qabtay.
Laamaha ammaanka ayaa soo saaray xogo dheeraad ah oo ku aaddan gaarigii shalay la qabtay,masuuliyiinta  Amaanka ee Dagmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaana sheegay in gaarigaasi ay gacanta ku dhigeeen uu ahaa gaari rakaabka ah oo siday rasaas iyo agabya kale oo ciidan taasoo ay sheegeen in ay baaritaan ku sameeyeen gaarigaasi iyo agabyada ay ku qabteen.
Taliyaha saldhiga Dagmada Dooloow ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamuud Cabdi Xaashi oo Waraysi siiyay VOA da ayaa sheegay in haatan ay ku raad joogaan shaqsiyaad looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen gaarigaaasi qaraxa iyo raasta waday.
Waxaa uu intaasi ku daray Taliyaha saldhiga Dagmada Dooloow ee Gobolka Gedo in ay hadda hayaanm tixraaca gaarigaasi, oo baarintaankoodu uu soo gaaray ilaa Muqdisho, ayna ku daba jiraan shaqsiyaadkii soo abaabulay gaarigaasi qaraxa waday.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah.