Magaalladda Worcester ee Gobalka England ee dalka Britain waxaa ku nool Bakaylaha caalamka ugu dheer, kaasi oo dhererkiisu dhan yahay 4 cagood iyo 4 hiish (4ft and 4 inch).
Qoyska dhaqaalaysta  Labadaasi Bakayle waxay sheegeen inay ku kharaj gareeyaan sannadkiiba lacag dhan 5,000 oo Geni (£5,000), waxayna cunaan 2,000 oo Karooto iyo 700 xabbo oo Tufaax sannadkiiba.
Labada Bakayle ee ay Reerka haystaan ayaa u muuqda kuwo marka sheeda laga arko loo malaynayo inay Eey yihiin.
Bakaylaha ugu dheer waxaa lagu xaqiijiyey Buugga lagu qoro waxyaabaha La-yaabka ee Caalamka ee “The Guinness Recordâ€.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan