Nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Zhao Deli oo 40-jir ah ayaa la sheegay inuu iska iibiyey guri uu lahaa, si uu u helo Lacag uu ku maal-geliyo Mooto duusha (flying motorcycle).
Markii uu guriga iska iibiyey waxa uu Lacagta u adeegsaday inuu ku maal-geliyo Mootadaasi oo qeybo ka mid ah qalabka laga farsameeyo ay aad qaalli u yihiin.
Ninkani waxa uu ku dhashay Tuullo ku taalla Gobalka Hunan ee Koonfurta Shiinaha, wuxuuna ku hamin jirey inuu maalin uun ku duulli doono cirka.
Ninkaasi waxa uu Mootadiisa sida Drone-ka geliyey tijaabo dhan 1,559 Duullimaad oo aysan cidna wadin.
Waxa uu tilmaamay inay mootadiisa duusha qaadi karto xamuul culayskooda u dhexeeyo 110 ilaa 220 pounds oo u dhiganta 40 ilaa 100 Kilogaram.
Waxay mootada saacadiisa socon karta xawaare dhan 70 Kiilomitir (70km/h).
Cimriga Battariga ku xiran waxa uu markiiba is-celin karaa 30-daqiiqo
WQ. Ustaad Nuradin