Dowladda Kuwayt ayaa sheegtay inay marti-gelinayso Shirweyne deeq loogu ururinayo Dhiirigelinta W/barashadda Somalia, sidaa waxaa yiri Diplomaasi u dhashay  dalkaasi.
Danjiraha Kuweyt u jooga Xarunta dhexe ee Midowga Europe ee magaalladda Brussels, Jasiim Al-budeywi ayaa sheegay in Shirweynahaasi loo qaban doono sida ugu dhaqsaha badan, wuxuuna sheegay inay Tacliintu ka mid tahay waxyaabaha aadka u muhiimsan.
“Annaga joogna Kuweyt, waxaan rumeysanahay inay W/barashadu mid ka mid ah waxa ugu muhiimsan, haddii aysan ahaan lahayn Qalabka aadka muhiimka ah ee loogu dagaalami karo Xag-jirnimada, Argagixisadda iyo Saboolnimadda†ayuu yiri Ambassador Al-budeywi oo ka hadlay Shirkii Caalamiga ee Arrimaha Somalia ee  maalintii Talaadada ee la soo dhaafay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Brussels.
Waxa uu tilmamaay in Shirkii Brussels muhiim u ahaa Beesha Caalamka, si ay dib ugu eegaan Ballanqaadyadoodii lagu taageerayey Deganaanshaha iyo Dhaqaalaha Somalia iyo dadaalka QM ee ay ku taageerayso Wejiga KMG ee Somalia ee xilli  kasta.