Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Goor dhow kulankoodii caadiga ahaa uu uga furmay Xarunta Villa Hargeysa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad.
Sidoo kale Ajendaha kulanka ayaa waxaa ku jiro hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maalmo kahor loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoominayo Guddoomiyaha KMG ah ee Cabdisalaan Xaaji Abuukar Dhabancad, waxaana socota xil wareejinta xilka Guddoomiyaha oo uu wareejinayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan.