Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu waday in Xarunta Villa Hargeysa ay ku yeeshaan kulankoodii caadig ahaa, hayeeshee waa uu baaqday kulankaasi Maanta.
Sababta uu u baaqday kulankii Golaha Shacabka ayaa waxaa ay tahay mid la xiriirta kooram la’aan, waxaana Xarunta Golaha soo xaadiri waayay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in sababta keentay baaqashada kulanka ay tahay kooram la’aan, waxaana Xarunta tagay Xildhibaano tiro yar oo aan badneynin.
Ajendaha kulankii Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa uu yahay Akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqan Xildhibaano tiro badan oo ka tirsan golaha Shacabka, kuwaas oo dalka isaga baxay markii ay soo dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa sidoo kale jira xildhibaano Muqdisho jooga oon hadana saakay xaadirin kulanka.