Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa shir-guddoomiyey kulanka hawl-wadeennada ee ku saabsan u diyaar garowga kalfadhiga 55-aad, oo la filayo inuu furmo 26-ka October, sida ku cad Qodobka 65-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka iyo Qodobka 42-aad farqadiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.
Agaasimeyaasha Golaha Wakiillada oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaargarowga shaqada, casriyeynta waaxyaha Golaha, horumarka la gaaray, iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ayaa u mahadceliyey hawl-wadeennada Golaha Wakiillada shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo u cayimay shaqooyinka iyo mas’uuliyadaha kala duwan ee muddada uu socdo kalfadhiga.