Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka ka socda Villa looga hadlayo magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo arrimo la xiriira xilka loo magacaabayo wadaadka Mukhtaar Roobow oo muddo u xirnaa dowladda.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda ugu ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow oo horey dowladdii Farmaajo ugu xirtay arrimo la xiriira Al-shabaab.
Ilo-wareedyo wargal ah ayaa xaqiijinaya in Sheekh Mukhtaar Roobow oo horey uga tirsanaa Al-shabaab, balse markii dambe ku dhawaaqay inuu isaga baxay uu kamid noqonayo Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Rooboow ayaa la tilmaamayaa in loo wado xilka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirada ayaa saacadaha soo socda ee Maanta oo talaado ah la filayaa in lagu dhawaaqo.