Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa kulan su’aalo weydiin ah kula yeeshay Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo Maalgashiga Xafiiska Guddiga ee Villa Hargeysa ee magaaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa daarnaa su’aalo weydiin ku saabsan hindise sharciyeedka Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheynta Hormarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, si xog dheraad ah uu gudiga uga helo hindisaha iyadoo la waafajinayo Sharuucda kale ee maalgashiga .
Wasiirka Wasaarada Maxamud Cabdiraxmaan Benenene iyo Kooxdii la socotay ee aqoonyahanada Maalgashiga ahaa ayaa faah faahin ka bixiyay su’aalihii la weeydiiyay.
Guddiga ayaaa waxaa uu doonayaa in uu dhidibada u aaso Hay’adda Maalgashiga Qaranka sidaa daraadeed wadatashiyada kulamada iyo ka baaraan degida sharcigan ayaa ah asalka wadatashiga guud taas oo ku dhisan Dowlad wanaag baraxtiran.