Wasiiru Dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxman Yuusuf AlCadaala iyo taliyaha Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa guddoomiyay shirka khamiis laha ah ee hoggaamada iyo Fadhiya Madaxa banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Shirka ayaa lagu bogaadiyay wax-qabadka shaqo ee hay’adaha ammaanka gaar ahaan sugidii amniga guud, xiligii Ramadaanka, Imtixaanaadka, la dagaalanka Burcada iyo Al-shabaab.
kulanka ayaa si gaar ah waxaa Ciidanka Boliiska, hay’adda Nabadsugida iyo Polizia Militare loogu bogaadiyay hirgelinta Xeerka Xakameyn Hubka ee Caasimadda Muqdisho.
Si kastaba, magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaasho amni, kadib markii qayb ahaan lagu wareejiyay amniga ciidamo boolis milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda.