Guddoomiyaha cusub ee magaacaabay ee Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta guddoomiyay kulan an caadi eheyn oo ay iskugu yimaadeen Maamulka Gobolka, kan Degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha amaanka Magaalada Beledweyne.
Kulanka oo looga hadlaayay adkeeynta ammaanka, dardargalinta howlgalada ka socda Gobolka iyo wada-shaqeyn xoogan oo dhaxmarta Guddoomiyaha Gobolka iyo Maamulka intiisa kale ayaa dhacay Xarunta Gobolka ee Baladweyne,
Kulankaaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Isku-duwaha Wasaaradda Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Baladweyne, Jalalaqsi, Maxaas, Moqokori,Farlibaax, Halgan iyo Mayarka Magaalada Beledweyne.
Guddoomiye Cabdullaahi Axmed oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle ayaan weli xilka la wareegin, waxaana Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cali Jeyte uu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uusan xilka ka qaadin karin isaga.