Wasiirka Wasaaradda Amniga, Dr. Mohamed Sheekh Cali (Doodisho), ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda (HSJ), waxaana lagu lafa guray wada shaqeynta HSJ iyo Hey’addaha kale iyo sidoo kale dhaqangelinta shuruucda cusub ee dhawaan Madaxweynuhu saxiixay iyo ilaalinta habraacyada shaqo ee Hey’adda dhexdeeda ah.
Wasiirka, oo xusay in dhawaan la meelmariyay Sharciyada dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sharciga Socdaalka, ayaa timaamya muhiimadda ay leeyihiin in si rasmi ah loo dhaqangeliyo Shuruucda la meelmariyay.
“Hay’addu waxay yeelatay shuruuc cusub oo la jaanqaadeysa sharciyada kale ee ay leeyihiin Hey’addaha kale ee dhigeeda ah ah†Sidaa waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Amniga Md Doodisho.
Wasiirku, mar uu ka hadlayay ilaalinta habraacyafa shaqo iyo in aan la dhinac marin waxa uu yiri, Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxey ka mid tahay Hey’addaha hana qaaday oo Umadda Soomaaliyeed qiimaha weyn ugu fadhiya, waxaana muhiim ah inaad la timaadaan shaqo hufan oo aan wax isdaba marin iyo Musuqmaasuq ku jirin, muwaadiniinta Soomaaliyeedna aad si daah furan ugu adeegtaan meel walba oo ay dalka ka joogaan.
Wasiirka Wasaaradda Amniga, ayaa mudadii uu shirku socday waxa uu warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Guud Cabdulqaadir Cilmi Cali wuxuuna ku amaanay sida daah furnaanta leh oo ay shirkan ugu kala war qaadanayaan madaxda HSJ, isagoo bogaadiyay howlaha hurumarka leh ee socda.
Ugu dambeyna, Wasiirka Wasaaradda Amniga (Doodisho), oo shirka soo xiray,ayaa Saraakiisha HSJ kula dardaarmay ilaalinta Sirta Hey’adda iyo sida loogu baahan yahay in la xafido, iyo sidoo kale in la xoojiyo wada shaqeynta Hey’adda dhexdeeda iyo Hey’addaha kale ee ay shaqo wadaaga yihiin taas oo uu sheegay Wasiirku iney horseedi karta horumar iyo in horey loo socdo.