Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire oo safar shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay Saraakiisha Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa saraakiisha Booliska kala hadlay xaaladda amniga ee Gobolka, hawl-galda lagula diririayo kooxaha falalka amni lidka aah wadda magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaasi iyo deegaanada kale.
Taliye Muumin Cabdi ayaa saraakiisha faray in wadajir ah looga qayb qaato amniga magaalada Boosaaso, maadaama ay soo dhowdahay maalinka ciida loona baahan yahay in lasiilaba jibaaro shaqooyinka amni ee socda si looga hortago falalka amni darro ee dhici kara.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Taliye ku-xigeenka Ciidanka CID-da Puntland, Ku-simaha Taliyaha qeybta Gobolka Bari ahna Taliye ku xigeenka Gobolka, Taliyeyaasha Saldhigyadda Boosaaso.