Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaalnka dagaalamyaasha oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Warbixino la xiriira howlaha nabadgalyada ka dhageystay saraakiisha ammaanka Maamulka Jubbaland iyo halka ay marayaan howlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka.
Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa inta uu socday shirka kusoo Bandhigtay guulaha ciidanka daraawiishta Maamulka iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada ka sameeyeen deegaannada Maamulkaasi.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaasha Ciidamada, Wasiirka amniga Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale waxaana laga hadlay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay ka joogaan Jubbaland