Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xusen Cali Maxamuud ayaa shir guddominayay Shir looga hadlaayay la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish oo ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha Saldhigyada, kantaroolada iyo kuwa heeganka.
Shirka ayaa lagu falanqeyay falalka amni darro oo Al-shabaab iyo Daacish ka geystaan gudaha deegaanada Puntland iyo sidii Ciidamadu u feejignan lahayeen loogana hortagi lahaa dhibaatooyinka xiliyada qaarkood ka dhacay Maamulka.
Taliye Xuseen Cali ayaa faray laamaha amniga Gobolka Nugaal iyo kuwa Magaalada Garoowe inay sidii laba jibaaran sugida ammaanka, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhaca, maadaama ay soo dhowdahay Bisha Ramadaan.
Sidoo kale Taliyaha qaybta Nugaal ayaa ka hadlay ka hortaga mandooriyaha oo xiligan ka sii yaranaya gudaha Magaalada Garoowe, wuxuuna Digniin u diray Taliyaha dadka isku daya inay si qarsoodi ah maandooriye kusoo geliyaan Caasimadda Maamulka.