Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta Shir guddoomiyay Shirka Saraakiisha Amniga Nugaal oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas
Saraakiisha Amniga ayaa Warbixino ka siiyay Taliyaha qeybta shaqada socoto, isagoona sidoo Kale Su’aalo ka weydiyay howlaha nabad-galyada Gobolka Nugaal.
Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusen Cali Maxamuud ayaa walidiinta ugu baaqay inay ka warqabaan Caruurtooda, maadaama la galay Fasixii goobaha Waxbarashada ee Magaalada Garoowe iyo deegaanada kale ee Gobolka.
Sidoo kale Taliye Xusen Cali Maxamuud ayaa Saraakiisha ugu baaqay adkeynta Amniga iyo inay u Adeegan Bulshada Gobolka una dhimriyaan, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni kara amni ka dhacda Caasimadda Maamulka.
Taliye Xusen Cali Maxamuud ayaa ugu danbeyn shacabka ka dalbaday inay kala shaqeyaan Amniga Gobolka Nugaal lamaha amaankana u soo Gudbiyaan wixii Khal-khal gelinaya ammaanka.