Kulan Maanta oo sabti ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa buuq iyo sawaxan farabadan kusoo dhammaaday.
Ajedaha kulanka Maantra ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 iyo Akhrinta koowaad ee miisaaniyada sanadkan soo socda ee 2024.
Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kasoo horjeestay ajendayaasha la horkeenay Golaha, waxaana intaas kadib gudaha Xarunta Hargeysa ka bilowday buuq ay sameeyeen Xildhibaanada qaarkood.
Buuq iyo fowdo xoog leh kadib ayuu Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir guddoomin lahaa fadhiga soo xiray kulankii, waxaana lagu kala tegay fadhigii, iyadoo aan kulankii la furin wax shaqo ahna bilaabin.