Mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Peter de Clerq una dhashay dalka Holland ayaa la sheegay inuu hawlihiisa caadiga ee Hawlgalka QM ee taakuleynta Somalia ee UNSOM ka wadi doono magaalladda Muqdisho.
Mas’uulkaasi cusub waxa uu isku hayn doonaa Xilalka Ku-xigeenka Wakiilka Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay iyo Xiriiriyaha Samafalka iyo Wakiilka Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP u jooga Somalia.
Ku-xigeenka cusub ee Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, Peter de Clerq ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto Somalkia si uu taageero u siiyo Dowladda iyo Shacabka Somalia si loo gaaro Nabad buuxda, Deganaansho iyo Mustaqbal ifayo.
Mas’uulkaasi oo uu Xoghayaha Guud ee QM u soo magacaabay Ku-xigeenka cusub ee Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia bishii June ee sannadkan.
Peter de Clerq waxa uu sannadihii 2012-kii ilaa 2013-kii ahaa La-taliyaha Sare ee Wakiilka Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia iyo Ku-xigeenka Xafiiska Siyaasadda ee QM ee Somalia ee UNPOS.
Xigasho: UNSOM