Ku dhowaad Lixdan howladeenno oo ka kala socday Bankiyadda wada-shaqeynta kala dhexeyso Hey’adda Gargaaro oo wakiil ka ah Bankiga Adduunka ayaa tabbaar loogu qabaty magaalada Muqdisho.
Ujeeddada Tababarkan ayaa ahaa siidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta bankiyada kala duwan ee ka shaqeeyo mashaariicada kala duwan ee uu maalgeliyo Bankiga Adduunka oo ay wakil ka tahay Hay’adda Gargaara. Waxaana ay ku baranayaan muddo 5 cisho ee uu socanayo cashiro kala duwan oo ay ka mid yahiin, habka Istaraajiyadaha, maalgelinta ganacstada yaryar, maamulka, hagaajinta xiriirka dadka loo adeegayo iyo qodobbo kale oo muhiim u ah howlaha shaqo ee horu-tabinta u leh mashiicada ay fuliso Gargaaro.
Dr. Suleyman Abdi Ducale, oo ah Guddoomiyha Hayâ€adda Gargaara ayaa sharraxay ahmiyadda tababarkaan uu u leeyahay Bangiyada iyo yoolalka kala duwan ee ay leedahay ka Gargaara ahaan.
“Waxaaan ku faraxsanahay in maanta ay nooga wanaagsantahay maalmihi kale ee aan ka soo gudubnay, maaddaama aan kor u qaadeyno aqoonta Bankigyada, waxaa sidoo kale naga go’an sidii aan kor uga qaadi lahayn tayada Bangigyada Soomaaliyeed, waxaan doonaynaa in bangiyadeenna ay noqdaan kuwo la jaan-qaado Bangigyada caalamka†ayuu yiri Dr. Suleyman Ducaale.
Machadka Bankiyada Kenya (The Kenya Institute and Bankers) oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay waxyaabaha ahmiyadda u leh isla markaana mudan in diiradda la saari iyo in laga faa’iideysto waxyaabaha muhiimadda leh ee la doonayo in lagu dhaqmo inta uu socdo Tababararkan.
Ugu damneyntii, Tababrkan ayaa lasoo geba-gabayan doonaa 25th April iyada oo inta u dhexeyso ka qeyb-galayaasha uga faa’iideysan doonaan aqoon kororsi aad u heer sarreeya oo ah mid ahmiyad weyn u leh dalkeenna oo ay taallo fursad nadir ah.
Dhammaad
WQ: Abdirashiid Nur