Qiyaastii 92 ruux oo Soomaali ah ayaa loo gudbiyay Maxkamada sare ee dalkaasi si loo xukumo, kadib markii ay qirteen beecmushtar sharci daro ah sida uu shegayo wargeyska Times of Zambia.
Soomaalida ayaa waxaa ay maxkamadi xukuntay bishii August 31 ee sanadkan ka dib markii ay oggolaadeen in laga soo tahriibiyo dalkaasi.
Soomaalida ayaa ku safreysay gaari weyn kaas oo lagu qabtay degmada Serenje ee dalka Zambia ka dib markii ay bilaysku ogaadeen in waxa ay saarnaayeen muwaadiniin ajaanib ah kuwaas oo oo ku safrayay warqado aan sax aheen.
92 soomaalida ah, ayaa kasoo hormuuqday maxkamada, ka hor qareenkii Maxkmada bartamaha dalkaasi Zambia, gaar ahaan magaalada ku taala bartamaha dalkaasi ee Kabwe.
Muhaajiriintaan soomaalida ah ayaa waxaa laga yaabaa in xukunkooda uu noqdo 15 sano sida qareenada qaar ay sheegeen.
Sidoo kale sided kamid ah soomaalida ayaa la sheegay in ay macaque tahay in si deg-deg ah loogu celiyo dalkooda hooyo ee soomaaliya.