Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris oo laga yaabee loo yaqaano Degmaddii Xiriirka Jacaylka “The the city of romance†ayaa waxay Lamaanayaasha Is-jecel dhigeen qufulo Buundada ay caanka ku tahay Paris.
Kumanaan Lamaanayaal ayaa sannadka kasta Paris, si ay u xusuusaan Jacaylkooda, isla markaana ay qufulo xusuus ah u dhigeen Buundada “ The Pont de Arts Bridge†ee kor marta Webiga “The River seineâ€.
Saraakiisha magaalladda Paris ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ee so osocoto bilaabaan sidii ay Buundada uga sifeyn lahaayeen ku-dhawaad hal million oo Qufulka Jacaylka “The Love Locksâ€.
Ku-xigeenka Duqa magaalladda Paris, Burno Julliard ayaa sheegay inay doonayaan inay Paris sii ahaato Caasimaddii Jacaylka iyo Xiriirka Jacaylkaâ€.
Mucaashiqiinta ayaa qaarkood ku baaqay in Qufulka Jacaylka “The love Locks†laga wada qaado.
Si kastaba ha ahaatee, Xuskii Jacaylka ayaa waxay Kumanaan Lamaanayaal ah ugu dabaal-degeen Buundada Paris, laga yaabee inay jiraan Malaayiin kale oo ku durduriya Jacaylka, kuna kala tegay Jacaylkii ay Nolosha ku dhisanayd.
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed