Saraakiisha dalka Ukraine ayaa sheegay in 49 qof lagu dilay Duqeyn ay Milliteriga Raashiya maanta ka geysteen Tuullada Hroza oo ku taalla Gobalka Kharkiv ee W/Bari ee dalkaasi.
Sawiro la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa muujinayo maydad daadsan Tuullada la duqeeyey ee Hroza oo 50 KM u jirta Xuduudka Ukraine la wadaagto Raashiya.
Qoraal uu Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy soo dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay in Duqeynta lala beegsaday Bakhaar Cunto iyo Kafateeriyo.
Dhanka kale, ugu yaraan 6 qof oo ay ku jirtay Gabar yar ayaa ku dhaawacmay Duqeyntaasi, halka Wiil 6 jir ah ka mid ahaa dadkii ku dhintay Duqeyntaasi.
Si kastaba, Baaritaano Hordhac ah ayaa waxay muujinayaan in Gantaalka Iskander missile ay Milliteriga Raashiya u adeegsadeen Duqeynta lagu hoobtay ee maanta ka dhacday dalka Ukraine.