Bisha April ee sanadkan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dagaalka ka socda dalka Sudan, kaasi oo ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhaxeeya labo Jeneraal oo iska soo horjeeda.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in dagaalku uu cawaaqib xun ku yeelanayo dad ku dhow 49 milyan oo qof – in ka badan kala bar dadkaasina ay u baahanyihiin gargaar bini’aadannimo oo naf badbaadin ah.
Tan iyo markii uu dagaalka ka billowday Sudan, 15-kii bishii April ee sanadkii 2023-kii, tobanaan kun oo qof ayaa la dilay laguna dhaawacay, malaayiinna si qasab ah ayaa guryahooda looga saaray.
18 milyan oo qof oo ay hayso gaajo daran, ayaa 5 milyan oo ka mid waxa ay qarka u saarayihiin macluul sida ay sheegtay hey’adda cuntada Aduunka ee WFP
Dr. Richard Brennan, oo ah agaasimaha xaaladda degdegga ah ee xafiiska gobolka ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Mediterranean-ka, ayaa sheegay in caalamku uusan ku baraarugsaneyn baaxadda musiibada bani aadnimo ee ka jirta Sudan.